HORUMAR WAARA.
(SUSTAINABLE DEVELOPMENT)


DIB U HABAYNTA NIDAMKA SOMALILAND

            (SOMALILAND SYSTEMS REFORM)

 Donate

(Qadhanka  Ku hagajiy)

   Acct # DAHAB SHIIL 13464


Theore Roosevelt


DIB U HABAYNTA NIDAMKA SOMALILAND (SOMALILAND SYSTEMS REFORM)



​Ummada horumar gadhaa waa mida qaladeedka saxda,  ummada qaladaadkeeda aan saxin waxay ku dambeeysaa meel xun, dawlad xumo iyo horumar la’aan.


  Somaliland waa in ay saxdo hab-dawladnimo ay ku dhaqanto, waa in aynu ka gudubno habkan-dawladnimo aynu dhadhabnay wakhtigii adkaa ee uu dalkeenu burbursanaa, dadkeenuna qaxootiga ahaa. Sida daradeed, waa in aynu yagleeno Somaliland-Labadaad (
Somaliland-Two). Somaliland-Labadaad waa in ay noqoto mid dalka u diyaarinaysa haykal dawladnimo oo adag (ama strong government Institutions), kuwaasi oo Somaliland u sahlaya in calamku aqoonsado. Dagaalada sokeeye ee ka socda dalka cusub ee Koonfurta Suudan waxuu Ictiraafka Somaliland ku leeyahay samayn wayn. Waayo waxaa uu Calamku ka bartay Ictiraafka ay siiyan Koonfurta Suudan, in aanay aqoonsan dal danbe oo qarada Afrika ku yaala oon lahayn haykal dawladnimo oo adag  (Strong government Institutions).


Si hab-dawladnimo oo Somaliland u horseeda horumar waara loo helo, waa in marka hore la isla qato in dib u eegid iyo saxid lagu sameeyo habka-dawladnimo iyo dastuurka Somaliland. Sida daradeed waxaa loo bahan yahay in dalka laga hirgaliyo Xeerarka DIB-U-HABAYNTA habka-dawladnimo ama ‘Reform Bills’  iyo in la soo xulo Gole Guurtida ooy ku bahoobeen dadka Aqoon yahano, wayo aragnimo iyo wadani ah.




Hadaba, qodabada ay tahay in dib-u-eegid iyo saxadi lagu sameeyo laguna QEEXO ‘Reform Bills-ka’ waa:

        

- HIRGALINTA XUSBIYO QARAN OO DIMUQRADIYADA KU DHISAN.


-
GOLAHA GUURTIDA OO LAGU SOO XULAY AQOONTOODA, WADANIYADOODA IYO WAYO ARAGNIMADOODA.

-
CADAALADU MADAX BANAA, OO DADKU U SIMAN YIHIIN.

-
KOBCINTA DHAQAALAHA IYO SHAQO ABUURIDA.

-
HIRGALINTA XUKUUMADA  KOOBAN.

​-
XAKAMAYNTA MUSUQ MASAQA IYO LAALUUSH BIXINTA. IYO

-
XAKAMAYTA AAFOOYINKA SOMALILAND HAYSTA, SIDA: QABYALADA, QAADKA, JAAHIL NIMADA, XAG JIRNIMAD IYO TAHRIIBTA. 




HIRGALINTA XUSBIYO QARAN OO DIMUQRADIYAD KU DHISAN.  

Waa in Somaliland laga hirgaliyo XUSBIYO QARAN. Maanta dalka kama jiraan xusbiyo QARAN, ee waxaa jira xusbiyo QABIIL ku salaysan.  Xusbiyada QARANKU  waa halka ay ka ‘UNKATO’ dawladnimadu. Haddii Xusbiyada QARANKA ayna gudahooda dimuqradiyad iyo cadaalada ka jirin, sidee looga fili karaa dawlada ay dhisi doonan in ay dumuqradiyad iyo cadaalad ku dhaqanto?

Hadaba, waa in dib loogu noqdo sharciyada Xusbiyada Qaranka si dadka Somaliland u wada yeeshan xusbiyada. Gobalada Bariga Somalilad ee badankooda ka soo horjeedan qadiyada Somaliland, maxaa ku kalifay in ay Khatumo tageeran? 

​ ​Waxaa ku kalifay, markay arkeen in ay dibada ka joogan siyaasada dalka. Dadka Somaliland ee ku nool Saylac ilaa Boocane waa in ay darameen in ay siyaasada iyo dhaqalaha dalka wada leeyihiin. Haddii taa la wayo wax macno ah ma saynayso jiritaanka Somaliland, waayo Somaliland ma sii jiri doonto (Illaahay kama dhige).


Hadaba, si xusbiyada Qarank u noqdan Xubiyo Qaran oo dadka Somaliland wada leeyihii. Waa in labadani qodab sharciga xusbiyada qaranka ama Xeer 14:

1) In Gudoomiyaha xusbiga uu noqdo maamulaha xisbiga, ee dhisaya xusbiga si uu doorashooyinka ugu guulasto. Lakiin waa in aanu gudoomiyaha Xusbigu noqon musharaxa Madaxwaynah/Madaxwayne-ku-xigeenka ee xusbiga. Haddii uu doono in musharaxa Madaxwayne/Madaxwayne-ku-xigeen noqdo waa in uu iska casilo shaqada uu xusbiga u hayo sanad ka hor. Haddii Madaxwaynuhu helo kalsoonida ERGOOYINKA xusbiga, waa in uu noqdo musharaxa madaxwaynaha ee xusbiga mar labaad.



2) Mar labad waxaa Xusbiyada Qaran iska leh dadka u-codeeyay. Sida daradeed, waa in uu jiro GUDI-WAYNE  ama ERGOOYINKA (
DELEGATES) xusbiga u diiwan gashan oo matala dadka u-codeeyay.

  Hadaba, sida ugu fudud ee lagu abuuri karo ERGOOYINKA Xusbiga waa in:

  Musharaxkasta oo u sharaxan golaha Wakiilada (
doorashada soo socota), waa in uu haysto 50 - 100 qof oo tageerayashiisa ka mid ah, oo ah dad ugu yaran haysta aqoonta dugsiga sare ama aqoon u dhiganta. Doorashada ka hor waa in Xusbikasta u gudbiyo Komishanka doorashooyinka ama gudida diiwangalinta ururada/xusbiyada musharaxa golaha Wakiilada iyo liis magacyada 50ka qof ee tageerayaashiisa ah.

Hadaba
100-kii qofka ee u-codeeya musharaxa Golaha Wakiilada waa in hal-qof oo tageerayashiisa ahi ay ka mid noqdan ERGOOYINKA Xusbiga. Ama ratio ah 100:1.

Tusaale ahaan haddii mudanaha ugu codka badani uu ku soo baxo
5000 oo cod, marka 50ka qof ee tageerayaashisu waxaa ka mid noqonayaan ERGOOYINKA Xusbiga.

Hadaba, xusbi kasta boqolkiiba todabatan (ama 70%) ergooyinkiisu waa in ay ku yimadan sida kor u xusan .
20% kale ee ergooyinku waa in ay noqdan Qurbo joogta iyo dadka dhaqalaha xusbiga bixiya. 10% xusbigu waa inuu u madax banaanado ama uu siiyo dadka degaanada aan xusbigu u codayn, ee uu doonayo inuu xusbigu soo jiito  


Doorashada ka dib, ERGOOYINKA Xusbiga ee gobalkasta waa in ay shiraan, soona xulaan xubnaha golaha dhexe ee xusbiga u matalaya gobalka/degmada. Kadiba, xubnaha xusbiga u matalaya gobalka/degmooyinku waa in ay qabsadan shirwaynaha xusbiga, soona xushaan golaha dhexe ee xusbiga ee heer Qaranka, iyo hogaamiya yaasha xusbiga sida gudoomiyaha xusbiga. 

Hadaba, ERGOOYINKA xusbiga ee heer Qaran waa in ay soo xulaan musharax xusbiga ee Madaxwaynaha/Madaxwayne ku-xigeenka.  ERGOOYINKA xusbiga ee heer gobalna waa in ay soo xulaan musharaxiinta xusbiga ee Golaha Wakiilada. ERGOOYINKA xusbiga  ee heer degmana waa in ay soo xulaan musharaxiinta heer degmo (ama golaha deganka).
 

Diyaarinta ‘Reform BILLs-ka’ (ama Xeerarka dib u habaynta Somaliland)   & XULISTA Gole Guurti.


Somaliland si ay u noqto dal sees adag ku qotama, calamkuna Ictiraafo. Waa in:


 a) La diyaariyo ‘Reform Bills’ (
ama Xeerarka dib u habaynta Nidamka Somaliland) laguna lifaaqo Dastuurka Somaliland ‘as Constitutional Amendments’. Iyo

 b) La soo xulo Golaha Guurtida oo dawladaha (
mustaqbalka) ku ilaaliya xayndabka Dastuurka iyo sharciyada dalka.


 ‘REFORM BILLS-ka’ (ama XEERARKA DIB U HABAYNTA SOMALILAND).



 Reform Bills-ku’ (ama Xeerarka dib u habaynta Somaliland) waa in lagu qeexo:

1)    Awooda Golaha GUURTIDA ee cusub. Hawsha ugu mihiimsan ee Golaha GUURTIDU cusubi qabanayo waa in ay noqoto siday Golaha Wakiilada iyo Xukuumada (
ama siyaasiyiinta) ugu ilaalin lahayeen xayndabka Dastuurka iyo sharciyada dalka.   Golaha Guurtida waa in noqdan GARSOORAYAAL, ama SIIDHIWALEYAALKA (Refrees-ka) dawlada. Golaha Guurtidu waa in ay siidhiga u hayaan Xukuumada iyo Golaha Wakiilada. Golaha Guurtidu waa in ay siidhiga u hayaan Xusbiyada muxaafidka iyo mucaaridka.


2)     Xukuumad kooban. Xukuumada Somaliland waa in ay ka koobnato ugu badnaan 15 wasiir iyo 30 Agaasime oo hawsha Xukuumada wada. Looma bahna Wasiiro-dawlo iyo wasiir-ku-xigeeno. Sideedaba, xukuumada  dadka iyo dalka wax u qabataa waa mida kooban. 

3)      Xakamaynta musuq masaqa iyo laalushka. Horumarka dawlada kasta waxaa uu ku xidhan tahay sida ay u xakamayso musuq masaqa iyo laalushka dalkeeda ka jira. Dawlada musuq masaqeedu badan yahay horumarkeeduna waa yar yahay.


 4)     Gole Degan oo tayo leh. Waa in Mayerka iyo  Mayerku-xigeenka si toosa loo doorto. Waana tirade golaha Degaanka la dhimo kala badh. Tusaale ahaan, Golaha degaanka ee Hargaysi waa in ayna ka badan 10 xubnood.

 5)     Qaran iyo Qabyaaladi isma galaan. Haddii in aynu QARAN doonayno in aynu noqono, waa inaynu xakameeyno QABYALADA. Waana in siddii dalka loo midayn lahaa meel looga soo wada jeedsado.

6)     Waa in dhalinta lagu wacyi galiyo  in ayna cunin QAADKA. Waa  in qorshe la abuuro wax laga qabanayo; SHAQO LA’AANTA, JAAHIL NIMADA, XAG JIRNIMAD iyo TAHRIIBTA.



Awooda Golaha Guurtida.

​  ‘Reform Bills-ku’ (
ama Xeerarka dib u habaynta habka dawladnimo) waa in lagu qeexo awooda Golaha Guurtidu. Golaha Guurtidu waa inuu ka koobnadan shan gudi-hoosad oo midkastaba awood buuxda oo uu ku mareeyo u leeyahay qaybta hoos timada. Gudiyadani waa :

1)   Gudida Cadaalada


Sida dastuurka Somaliland dhigayo, Waaxda Garsoorku waa in ay ka madax banaanato Xukuumada iyo Golaha Wakiilada, sida daradeed Waaxda Garsoorku ama Cadaladu waa in ay hoos timado Golaha Guurtida. Shaqada gudidani waa in ay:     

- Soo xulaan/eryi karaan Garsoorayaasha iyo Xeer Illaaliya-yaasha dalka.

- Taba baraan Garsoorayaasha, iyo shaqalaha cadaalada.

- Dib u eegid ku sameeyan cabashooyinka dadka.

 2)   Gudida  Nabad galyada (Boliska) & Ciidanka National Guard .

Nabad galyaddu waa asaaska horumarka, marka nabagalyada dalku waa in ay noqoto mid la wada ilaashado. Gudidani Nabad-galyadu Golaha Guurtidu waa in ay la shaqeeyan Wasaarada Arimaha Gudaha (ama Badhasabada), Mayarka iyo golaha daganka. Shaqada gudidani waa in ay:           


 - Soo xulaan/eryi karaan taliyaha Boliska (
ama Police Chief-ka) ee degmooyinka iyo magalooyinka.

- Tababaraan Booliska,  si aanu Boolisku ugu xadgudbin xuquuqda dadka.

- Wax ka qabta xadgudiba booliska iyo cabashooyina dadka.

- Abuuraan Neighbor-hood boolis la shaqaya booliska.

- Abuuraan ciidanka National Guard (
marka uu dalku helo dhaqaal). Ciidankani oo ka qayb qaata masiibooyinka dabaciga ah, horumarka  iyo nabad galyda dalka (marka loo bahdo).

3)   Gudida  Dhaqalaha iyo shaqo abuurida.

Dalkasta dhaqalaha uu leeyahay ayuu ku xidhan yahay horumarkiisu. Hadaba, hawsha gudidani qabanayso waa in noqoto ilaalinta hantida  wadaniyiinta iyo ajaanibku ay dalka maal gashadan, hantida sharkadaha la wada leeyahay (public companies) iyo khayradka Qaranka (National Resource). Shaqada ugu mihiimsan ee gudidani waa sidii khayradka iyo hantida dalka ay dadka Somaliland u wada yeelan lahaayeen. Hadaba si gudidani ay shaqadooda u gutaan waa in ay:          

- Abuuran suuqa sharkadaha-samilayda Somaliland (
Somaliland stock exchange). Gudidani waa in ay soo xulaan dadka maamulaya Capital Market Authority (CMA) (ama hayda maamusha IIBINTA/Kala IIBSASHASA samiyada) shirkadaha dadku-wada-leeyihiin.


​- Soo xulaan gudi maamula khayradka Qaranka (National Resourse-ka), sida Macdanta, iyo Batroolka/Gaska IWM.


- Soo xulaan Gudoomiyaha Bangiga dhexe, iyo gudi maamula Bangiyada/Caymiska Qaranka.

 4)   Gudida  Dimuqradiyda  & Doorashooyinka        

 Doorashooyinka inta aan la qaban waa in gudidani ay hubinayaan musharaxiin dalka hogaamin doona,inay yihiin:

- Dad u qalma, aqoon ahaan, lehna wayo-aragtinimoda ay u baahan tahay jagada ay isku sharaxayan. Dad akhlaq fiican, oon dadka isku dirin. Dad ka dheer ku dhaqanka Qabyalada iyo kala qayb qaybinta dadka. Iyo Dad ka dheer xagjirnimada,


Shaqada kale ee gudidani waa in ay: 

- Sameeyan  “
code of conduct”  lagu xakamaynayo musharaxiinta doorashooyinka ka qayb qadanaya.

- Soo xulaana Gudida Diiwangalinta Ururada Siyaasada iyo Komishanka doorashooyinka. (
Marka uu wakhtigoodu dhamado kuwa jooga).
        

5)   Gudida  soo xula Komishanada/Haydaha madaxa banaan.    



Shaqada gudidani waa in ay soo xulaan Komishanka iyo Hay’adaha madaxbanaan ee dalku u bahan yahay, sida: 

A)    Komishanka ICTIRAAF RADINTA.

B)    Komishanka Diinta.

C)   Komishanka  dhaqanka iyo dhaqan Celinta (Ama Rehabka).      

D)   Komishanka  Warbaahinta (Media) & Wacyigalinta.

E)   Komishanka Odayaasha Dhaqanka (ooy hoos imanayan Suldanada, Caqilada iyo oday dhaqameedyada).

Komishada xukuumada magacawdo ee ay tahay in Golaha Guurtida la hoos geeyo waa:

F)    Komishan Qandarasyada.                                                          

G)    Komishanka Xuquuqda Bin’adamka.                   

H)    Komishanka fayo dhawrka dawooyinka/Rashin iyo ‘Consumers’.               


I)      Komishanka dawlada wanaaga & musuq masaqa.

Komishadanada kale  ee dalka u bahan yahay, waxaa ka mida:                

 J)     Komishanka la dagalanka maan dooriyaha, iyo Qaadka   

K)    Komishanka dabargoynta ku dhaqanka Qabyalada iyo kala-qayb- qaybinta ummada.                                        
 
Hay’adaha madaxabanaan ee ay tahay in ay soo xulan Gudidani waa:

- Hay’ada hanti dawraha guud (
General Auditor ).

- Hay’ada shaqalaha (
Ooy hoos imanayan shaqaalaha dawlada)

- Hay’ada Kaydka  dhulka, iyo tira koobta dadka IWM

- Hay’ada Biyaha
 


XULISTA GOLAHA GUURTIDA.
​​
 Dirawal inta aan laysanka wado marista (driven license) la siin, waxaa la hubinayo in lagu aamin karo inuu gadhi wadi karo iyo in kal, sida daradeed ayaa waxaa laga qada imtixaan araga iyo wado marida . Hadaba, shakhsiga Golaha Guurtida loo magacabayo waa in laga qado imtaxan lagu hubinayo inuu fahansan yahay hawsha uu dalka u qabanayo.

 Hadaba, si loo helo golaha Guurti oo XULA, waa in marka hore la-magacaabo-gudi kooban oo soo xula Haldoorka-aqoonyahanada Soomaliland (HAS) . Gudidani oo ah dad maskax-furan oo laga soo xulo dalka gudihiisa iyo dibadiisa,  laguna soo xulo wadaninimo, aqoon, iyo wayo aragnimo ay u leeyihiin dawladnimada iyo maamul wanaag.                            
                                                                                                                 
​Hadaba, qofka doonaya inuu ka midka noqodo Haldoorka-aqoonyahanada waa in uu noqdo :

 1)       Qof aqoon yahan ah oo haysta aqoon Jamacadeed ama aqoon u dhiganta, isla markana leh wayo aragnimo shaqo oo ugu yaraan 7 ilaa 10 sano ah.  Wayo aragnimadiisa oo la xidhiidha waxa uu bartay. Shaqo ‘professional’ ah ama inuu abuuray Bayacmushtariy hanaqaday.

2)       Qof WADANIYA oo fahamsan dawladnimada, khasatan dawlad ku dhisan habka dimuqradiyada ah. Teeda kale,
Haldoorka-aqoonyahanada ee dalka dibadiisa ku nool waa in ay dalalka ay joogan ay kaga qayb gali karan xulashada Gola Guurti.

3)       Hadaba, si loo hubiyo aqoonta iyo maskaxda qofka doonaya inuu ka mid noqdo Haldoorka-aqoonyahanada waa inuu ka gudbo labo jaran-jaro (
two steps).  Jaran-jarada kowaad, waa inuu  qoraal kooban ku soo gudbiyo fikrada uu ka qabo sida uu u arko in horumar, cadaalad iyo dawlada fiican dalku ku gadhi karo.

4)       Aqoon yahanka ka gudba Jaran-jarada kowad, ayaa u gudbayaa jaran-jarada labad oo ah inuu 300 su’aalood oo ‘Multiple Choices’ ah uu ka jawaabo. Kadib qofka ka gudba imtaxankani ayaa loo aqoon sanayaa Haldoorka-aqoonyahanada Somaliland. Dadkaasi ayaana soo xulaya dadka Golaha Guurtida
noqonaya.

Xulashada Xubnaha Golaha Guurtida.




A)    Qofka G
olaha Guurtida noqonayaa waa inuu yahay Haldoor-aqoonyahan Somaliland. Isla markana teegeero ka haysta 20 qof oo Haldoorka aqoonyahanada ah.


B)    Marka labad,  waa inuu u gudbiyo Gudida-la-macabay  CV-giisa ama tariikhdiisa waxbarasho/shaqo.  Waana inuu soo raciyo markhatiyo iyo Telefoon ‘reference’ oo la waci karo.

C)    Qofka doonaya inuu noqdo xubin golaha guurtida ah, waa inuu qoral kooban ku soo gudbiyo waxa uu golaha Guurtida qabto iyo shaqada uu qabanayo haddii uu xubin ka noqdo  golaha guurtida. Kadibna,
Haldoorka-aqoonyahanada ee gobalka uu ka soo jeedo ayaa su’aalo waydiiyan (ama ‘interview’ ka qadaya). 

D)    ‘interview’-ga ka dib, Haldoorka-aqoonyahanada gobalka ayaa u-codeeynaya iyaga oo xulaya xubnaha Golaha Guurtida ee gobalkooda.


E)    Golaha Guurtida dhawr jeer  ayay isku-kordhiyeen. Isku-kordhintooduna ma ahayn mid Dastuurka iyo sharciga Somaliland waafaqsan. Lakiin waxaa ahayd XEER JAJAB iyo XAL. Sida daradeed waa in xubnaha Golaha Guurtida ka midka ah ee doonaya in ay ka mid noqdan Golaha Guurtida ee cusub waa in ay u diyaar garooban in la soo xusho mar kale.

F)    Mar haddii doorashada Madaxwaynaha, iyo Golaha Wakiilada isku wakhti la qabanayo, waa in xulashada Golaha Guurtida  mar lala qabto. Si doorashooyinka dalka u noqdan laba doorasho oo kala ah Doorashada Dawlada hoose (Mayarada iyo Golaha daganka) iyo dhoorashada dawlada dhex (Xukuumada iyo Golaha Wakiilada) iyo xulashada Golaha Guurtida.

Hadaba sida xubnaha Golaha Guurtida loo qaybsanayo waa in lagu saleeyo labadani mid ahaan:

a)     Gobalo/Degmooyin:

Marka diiwangalinta codbixiyayaasha doorashada dalka laga hirgaliyo,  waxaa la helayaa tirada gobalkasyta/degmokasta uu ka helayo golaha Wakiilada iyo Guurtida. Kadibna Haldoorka-aqoonyahanada ee gobalku waa in ay iska soo xulaan  xubnaha (xubinta)  gobalka/degmada u matalaya golaha Guurtida. Mudanayaasha/Mudanaha ugu codka badan Gobalka/Degmooyinka ayaa noqanaya xubinta Golaha Guurtida u matalaya.

b)     Beelo: 


Haddii aynaan wakhtigan u diyaar ahayn in aynu Gobalo/Degmooyin wax ku qaybsano, marka waxaanu si ku meel gadha Golaha Guurtida ugu sii qayb sankarnaa hab Beeleed.



Hadaba, haldoorka-aqoonyahanada ee gobalku waa in ay soo xulaan Mudanayaasha/Mudahanaha u matalaya golaha Guurtida gobalka/degmada. Teeda kale, tirada Beelkasta ay ka hesho Golaha Wakiilada tiro la mida waa in ay ka hesho Golaha Guurtida. Odayasha iyo aqoonyahanada Beelahu waa in ay u gudbiyan Gudida-la-macabay samiga ay beelkasta (Beelwayntu) gudahooda u qayb sanayaan. Mudanaha ugu codka badan Beelkasta/Jilibkasta waa in loo doorto xubinta Golaha Guurtida u matalaya Beeshiisa. 

​​Golaha Guurtidu markii la abuuray waxaa la soo xulay dadka wakhtiga ugu mudakarsana ama ugu maskaxda badnaa ee ahaa odayaasha Beelaha. Hadaba, Gole Guurti wakhtigani loo bahan yahay waa in ay noqdan dad fahmaya horumarka iyo dawlidnimada waxa ay tahay. Isla markana leh aqoon iyo wayo aragnimada loo bahan yahay. Waa in ay noqdan dad danta dadka iyo dalka ka horumiya dantooda shakhsi.   

‘Reform Bills-ka’ (
ama Xeerarka dib u habaynta Somaliland) iyo Golaha Guurti oo la soo xulay, waxaa la hirgalin karaan oo ‘KALIYA’ haddii shicibku, khasatan dhalinta Somaliland ay tageerto iyo waliba haddii dadka dalka hogaanka ay daneenayaan  in ay ummada Somaliland ka dhaxsho hab-dawladeed oo ay horumar, cadaalada  iyo nabad warta dalka u horseeda.

  Gabagabadii, si  Somalilanda-Labda oo ah hab dawladnimo ee ummada Somaliland halganka dheer u soo gashay looga midha dhaliyo, waa in la soo xulo gudi-ku-meel-gadha oo ka kooban dad dacada, oo aqoon yahano ah oo qora ‘Reform Bills-ka’, isla markana soo xula  Gole Guurti oo ka kooban dadka indheer garad ah.  Kadibna, Gole ay u dhan yihiin Golaha Guurtida ee cusub iyo Golaha Wakiilada ee la dooran doono (Insha Alla) waa in ay ansixiyaan ‘Reform Bills-ku’, si loogu lifaqo Dastuurka as
Constitutional Amendments’.


Somaliland ha noolato.


Ururka Somaliland Reform.

Facebook: facebook.com/slreform


DIMUQRADIYAD IYO DAWLADA WANAG. 
​ (DEMOCRACY AND GOOD GOVERNANCE)


NABAD IYO CADALADA. 
​ (PEACE AND JUSTICE)
KOBCINTA DHAQALAHA IYO SHAQO ABUURID.  (IMPROVING THE ECONOMY AND JOB CREATION)